Xubintii Ciyaaraha: Man City calankaa u lulan laakiin illaa intee? (dhegayso)

HomeCiyaaraha

Xubintii Ciyaaraha: Man City calankaa u lulan laakiin illaa intee? (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL -  Share Your World Waxaa la ciyaari doona kulamadii 24 aad e

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustafe Xuseen Yuusuf (dhegayso)
Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Neymar oo London ku Baashaalaya Laakiin waa PSG (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Waxaa la ciyaari doona kulamadii 24 aad ee horyaalka dunida ugu xiisaha badan, waa Premier League-ga dalka Ingiriiska. Kooxda hoggaamineysa horyaalka ayaa rajo weyn ka qabta in ay jidka guusha dib ugu soo laabato, waa Man City e hadde ogow, oo 23 ciyaarood oo illaa iyo hadda la ciyaarey haysata 20 guulood (W), 1 lumid (L), iyo 2 barbardhac ah (D).

Tababaraha Man City Pep Guardiola oo ka hadlay sababta aysan u saxiixin Alexis Sanchez ayaa ku macneeyey in saxiixa Sanchez uu ka doortay iskuduubnaanta kooxdiisa Man City oo aysan marnaba macquul aheyn waqtigan hadda in dusha la saarto mushaar intaas le’eg. Pep ayaa hambalyo u diray Alexis Sanchez iyo kooxdiisa cusub ee Man United.

Hadaba saadaasha iyo su’aashuba waa illaa waqti intee le’eg bay José Mourinho iyo United ku qaadaneysaa in ay City calanka u siibaan, oo kooda saartaan?

Tababaraha kooxda Mancheter United ayaa ballanqaad u sameeyay ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Gareth Frank Bale, waa se haddiiba u ku soo biiro kooxdiisa.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

        

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: