Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Neymar oo London ku Baashaalaya Laakiin waa PSG (dhegayso)

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Neymar oo London ku Baashaalaya Laakiin waa PSG (dhegayso)

Neymar Junior waxa uu uu ka degay London, kooxdiisa Barca ayana waxa uu yiri “nabadeey” asaga oo leh London baan xoogaa madaxa ku soo faaruqinayaa oo soo baashaalayaa. Laakiin xaqiiqada ayaa u eg in uu Paris iyo PSG uga sii gudbi doono, halkaas oo lagu soo bandhigi doono heshiis gaaraya adduun lacageed oo dhan 200 milyan Ganiga Ingiriiska iyo weerar uu huggaan u yahay.

Neymar waxa uu rumaysan yahay in uu yahay laacibka adduunka, laakiin haddii uu Barca sii joogo booskaas Messi baa iska leh, oo ma aha mid uu u dhawaan karo. Kaaga daran e waa asaga Messi hadda saxiixay heshiis Barca oo muddo dheer soconaya, sidaas darteed Jr. waa Paris iyo in uu noqdo ninka Faransa loogu jecelyahay, adduunkana ugu laacibsan. Waa loo joogaa!

Kooxda Monaco ayaa dib-u-dhigeysa iibinta laacibkeeda Kylian Mbappé, ilaa iyo inta laga dhameystirayo saxiixa Neymar Jr uu ugu dhaqaaqayo dhankaas iyo kooxda Paris St Germain, si ay kaga faa’ideysato sara-u-kaca qiimaha ciyaartoyda ee suuqan xagaagan oo waalli ku dhaw, rag badanna taajirnimo xaad-dhaaf ah gaarsiisay.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com