Xoghayaha Guud ee QM Guterres: Su’aalaha aan dowladaha weydiino waa in aan laga dareemin “akhlaaq-xumo iyo isla-weyni” (daawo)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Xoghayaha Guud ee QM Guterres: Su’aalaha aan dowladaha weydiino waa in aan laga dareemin “akhlaaq-xumo iyo isla-weyni” (daawo)

Waxaa isa soo taraya eedaymo ka dhan ah Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, siiba kuwa ku saabsan xuquuqul insaanka. Xoghaye Guterres ayaa lagu eed

Shir looga hadlayey Isbadaladda Geeska oo ka dhacay dalka Austria (dhegayso|sawiro)
Madaxweyne Kuxigeen Camey: “War Daaroodba isma soo gaaraan Muuse wuxuu naga dilo daaye waxar nagama dilin.”
Dr. Sadiq Enoow: “Imaaraadku waa horor duullaan ku ah dekadaha Soomaaliya si uu u difaaco dekadihiisa”

Waxaa isa soo taraya eedaymo ka dhan ah Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, siiba kuwa ku saabsan xuquuqul insaanka. Xoghaye Guterres ayaa lagu eedaynayaa in uu u jilicsanyahay waddamada liida ama aan danba ka laheyn xuquuqda muwaadinka.

Tusaale jilicsanaanta Xoghayaha ayaa jaraa’idada qaar ku sheegeen in ay ugu danbeysay maalinkii Khamiista ee 17ka Janaayo, ayada oo Xoghayuhu shir ay albaabadu u xiranyihiin eed kulul ka jeediyey, waxaana eeddiisa loo fasirtay in ay tahay mid ku aaddan wakiilkiisii Soomaaliya, Md. Haysom, oo dalka laga soo cayriyey horraantii bishan Janaayo.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, waa muhiim in aan u doodno xuquuqul insaanka, laakiin marka aan u doodayno waa muhiim sida aan doodda u dhigaynaa, oo waa in aan ka dheeraano hadalo loo fasiran karo “akhlaaq-xumo” ama “isla-weyni.” Hadaladaas ayaa loo fasirtay in ay ahaayeen kuwo abbaaraya Wakiil Haysom oo DFS ay dalka ka mamnuucday.

Hoos ka daawo Xoghayaha oo bayaaminaya sida ugu habboon in loola hadlo dowladaha u daran xuquuqul insaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: