Xog: Maxaad kala socotaa sababta uu u qabsoomi waayey kalfadhigii Baarlamaanka Puntland ee u dambeeyey?

Xog: Maxaad kala socotaa sababta uu u qabsoomi waayey kalfadhigii Baarlamaanka Puntland ee u dambeeyey?

Radio Dajir ayaa oo xiriiro dhincyo badan ah la sameeyay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee waqtigooda gabaabsiga uu yahay haatan ayaa u sheegay sababta ka dambaysay in uu qabsoomi waayo kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Puntland.

Xidhibaanada la hadlay Daljir ayaa sheegay in baaqashada kalfadigan ay sabab u ahayd:

1- kooram la’aan ama tiradii xilidhibanada ee loo baahnaa oo aan soo xaadirin

2- Shirguddoonkii Baarlamaanka oo la waayay

3- Xildhibaanada oo intooda badan safaro ugu kala maqan dalka gudihiisa, kuwaas oo isugu jira laba qaybood oo kala ah  kuwo fasax ku maqan iyo kuwo  markale u hanqaltaagaya in ay dib ugu soo laabtaan Baarlamaanka  oo olole ka wada deegaanadii laga soo doortay, waxaana na loo xaqiijiyay in qaar Xidhibaanadu ay heleen kuraastii ay doonteen.

Xildhibaanada  hadda jooga ayaa waqtigooda waxa uu ku egyahay bisha December ee sannadkan 2018, halka kuwa cusubna la filayo in la soo dhamaystiro bisha Diseember gudaheeda.

Diiwaanka Warka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com