XOG: Farmaajo oo 150,000 oo dollar ku bixiyay Olole uu ka dhex wado kongreska Maraykanka

XOG: Farmaajo oo 150,000 oo dollar ku bixiyay Olole uu ka dhex wado kongreska  Maraykanka

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka kireystey gudaha dalka Maraykanka shirkad gaar ah si ay olole uga dhex sameyso kongreska dalka Maraykanka.

Shirkadan oo fadhigeedu yahay magaalada New Jersey oo la yiraahdo LFA Holdings ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay kula heshiisay safiirka Somaaliya ee dalka Maraykanka in ay gacan ka geysato abaabulka booqasho uu ku tago Mareykanka Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Sida lagu daabacay wargeyska Foreignlobby.com Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Cali Shariif, ayaa siiyay lacag dhan 150,000 oo dollar oo diiwanagelin ah shirkada ka dhax ololeesa congrass Maraykanka waxana uu ka dalbay sidii Madaxweyne uu ku imaan lahaa Maraykanka uuna ula kulmi lahaa guddiga arimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Maamulka Madaxweyne.

Arrintan ayaa dhacday bishii Maarso,xilli dowladda Maraykanka ay ka dalbaysay Soomaaliya in wada hadalka uu sii socda muddo kordhin aan la aqbali doonin.

Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com