Itoobiya oo shaacisay in faragalin lagu hayo

Itoobiya oo shaacisay in faragalin lagu hayo

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay waddamada caalamka qaar inay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka shaqeynayaan sidii ay waddanka u gelin lahaayeen dagaallo iyo fowdo.

Kulan ay yesheen Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in cadaadis kasta oo la dul dhigo ay fulin doonaan howsha buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil, iyaga oo sidookale digniin u diray wax ay ku tilmaameen fara galin shisheeye.

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya, inay ku garab istaagaan dowladooda horumarka iyo xasiloonida dalka.

Tani ayaa imaaneysa xilli Washington ay Jeffrey Feltman, u magacaawday ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, iyadoo la sheegay in arrinka Biyo-xireenka Wabiga Niil uu qeyb ka yahay waxyaabaha mudnaanta leh ee uu ka shaqeeyn doona ergaygaan cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Geeska Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0