XILDHIBAANO SEERO GOOYS AH OO UBAAHAN SIMINAAR AH WAA MAXAY SHAQADOODU  (MAQAAL )

HomeWararka

XILDHIBAANO SEERO GOOYS AH OO UBAAHAN SIMINAAR AH WAA MAXAY SHAQADOODU (MAQAAL )

Xildhibaan Axmed Fiqi. Waxaan ku bilaabayaa DAWLADNIMOOY XAAL QAADO! nin baa waxaa layiri way diiyay nin kale " waryaa balo ma aragtay?"  Suuyiri

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay Asmara, muxuu socodku daaranyahay? (dhegayso)
Beesha Caalamka: “Waxaan walaac ka qabnaa jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid”
Xildhibaan Axmed Fiqi.
Waxaan ku bilaabayaa DAWLADNIMOOY XAAL QAADO! nin baa waxaa layiri way diiyay nin kale ” waryaa balo ma aragtay?”  Suuyiri ” Haa” Kolkaasuu yiri “Oo maqo soshay?” Suuye “maya ma qoslin” Kadib ayuu yiri “Hadii aad balo aragtay,oo aadan qoslin,hadaa balo maadan arag!!”
Foolxumada ay leedahay dawlad la aantu,noocyadan oo kale ayaa banaanka yimaada oo soobaxa.qawlaysatadii dabadhoonka u ahayd ee lasocotay hogaamiye kooxyadii,fursada u arkay dawlad la aanta ee dalkeena ka yeelay mid takooran oo dunida ku dhex ceebaysan,dadkii soomaaliyeedna baday,dil,dhac iyo kufsi daa iman ah.
Ninkan oo ah dhalinyardii ku indhofuray lana jaan qaaday,qaabka mooryaanimo ee sodan jirsatay ee dalkeena soomaray,ayaa ah mid higsiguusu yahay kuwa uu kudaydo ee ahaa dagaal oogayaashii soomaaliyeed.Aad ayuu u xiisaynayaa in uu arko isagoo ah nin mooryaan beeleed daba socdaan oo gaysta xasuuq iyo dhac iyo boob sida uu kusoo korayba.
waxa uu uxuubsiibtay in laga dhigo xildhibaan qaran inagoo garanayna waxa keenay sidan.inta badan beelaha soomaaliyeed ee soo xulay xildhibaanada waxay keeneen dad leh aqoon iyo garasho akhlaaqna kusoo koray. waana kamuuqataa.fiqi iyo odowaa iyo mahad salaad waxay la qabsan la yihiin nidaamka dawladnimo! waxayna tabayaan qaabkii uu dalku soomaray ee laga baxay oo ah fawado iyo dawlad la aan.
Waxay la yaaban yihiin sharci baajira iyo dawlad!  waxay u arkaan iyagoo ka duulaya fawdadii dalka iyo dagaal oogayaashii dhaqankoodii in madaxweynaha dalku yahay reer hebel! wasiirka koobaadna yahay reer hebel,dhaqankuna uu ahaa in lays dilo reer reer iyo koox koox.
Nidaamka dawladnimo waxa uu rabaa asluub iyo anshax in qofku leeyahay intuusan siyaasad galinba.Haraadigii mooryaantu waxay fahmi waayeen waxa shaqada baarlamanku tahay oo ah in ay illaaliyaan sharafta iyo qiimaha dadka iyo dalka soomaaliyeed wakiilna u yihiin. waxay fahmi waayeen in shaqada baarlamaanku tahay in ay ansixiyaan,hadii la doonana cod u qaadaan arimaha dalka ee uuga imanaya hay adaha sida xukuumada.
Sida caalamkaba baarlamaanku waxa uu taageeraa dawladiisa,mana dhacdo aduunyada in baarlamaan faro galiyo arimaha fulinta ee leh gole wasiiro oo loo igmaday, kama hadlaan arin aan la horkeenin oo la xariirta siyaasada dawlada ee hay ado kale ku mashquulsan yihiin sida arimaha madaxweynaha iyo wasiirada iyo maxkamada sare. looma dirsan arimahaas,laakiin wixii golaha loosoo bandhigo oo ah ajande horyaal,waa ka doodayaan.
Xildhibaanku xadbuu leeyahay,waa maxay xildhibaan siyaasad ka hadlayaa? ma madaxweynaa? ma wasiirbaa? yaa udiray shaqadaa? shaqadii xukuumada iyo madaxweynaha ayay kusoo boodeen oo soo dhaafeen seeradoodii iyagoo ah seero gooys iska socda uun. heer waxay gaareen ay sirdoonkii qaranka fara gashadaan oo faa fiyaan sirtii dalka,heer waxay gaareen ay sirtii dalkeena u bandhigaan dawlado shisheeye si bareer ah.
Waxayba la wareegeen shaqadii xukuumada iyo madaxtooyada iyo hay adihii amaanka,waana xildhibaan! iyadoo laga duulaayo sharciga dalkeena waa in aan la aqbalin haraadigii mooryaanta oo ah dawlad diid,hadafkoodu yahay in dib loo sooceliyo dhicii iyo kufsigii iyo colaadihii sokeeye taasoo ah aafo ay ka soo kabatay soomaaliya.
Nin ku xiran maafiyo iyo dawlado cadaw u ah soomaaliya masii ahaan karo xildhibaan iyo masuul soomaaliyeed midna.sharci iyo nidaam iyo kala danbayn ninkii iska diiday fursad malaha soomaaliya maanta waayo dawlad baa jirta shacabku garabtaagan yahay.
Qabiil ma noqon karo qaran waana aragnay foolxumadiisa iyo halkuu dhigay soomaali. waa danbi midkiisa uugu yari yahay xabsi daa in kiisa kalna yahay dil kol hadii nin nabadsugid soomaray uu sirta qaranka bixinayo.
Adeer dadka soomaaliyed waa dad isku diin ah,waa dad isku diir ah,waa dad isku isir ah,waa dad isku dal ah,qabiil ayaan u kala qaybin,qarankoodaan burburin,iyagaan isku diri, waan kala qoqobi,gumaysigaan ku hogaamin,in ay dawlad yeeshaan baan ka hor istaagi,dawlad la aan baan ku hayn,waa dhamaatay kaana yeelimayno. dawladiid xaaran ku naax ah oo cadaw ah dooni mayno,sharaf midnimo iyo dawladnimo soomaaliyeed ayaan rabnaa haysanaa oo ilaashanaynaa anagoo ah soomaali isku duuban.
Xildhibaan axmed Fiqi in uu ugafay oo ku gardarooday nin ka haybad badan oo masuul ah,waliba soo celiyay haybadii caasimadeena MOGISHO ahna gudoomiyaha gobolka banaadir iyo duqa magaalada caasimada ah, waa nasiibdaro iyo dulmi cad.waxaana laga masayr san yahay dawladeenan hana qaaday iyo sharafta umada soomaaliyeed u hayaan duqa magaalada ee ah wadani dhisaya dalkiisa Ing.yariisoow.
Nin dhaqankiisuba yahay guri tarniiga laga fiiqdo iyo kufsi birimagaydo maha in uu isku dheerariyo ibnu xalaal baladkiisa bilaaya.waxaan kusoo koobayaa xildhibaan mahad salaand iyo odowaa siminaar haloofuro kor haloo qaado xirfadooda xildhibaanimo iyo fahamka dawladnimo xildhibaan Axmed fiqi isaga dagdag haloogu diro dhaqan celin si hadii uu kabsado bulshada loogu soo dhexdaayo waana arin laynooga horeeyay oo ka jirta dalalka dagaalada sokeeye saameeyeen oo dhan calaamooyinka ka muuqda fiqi waa mid cadaynaysa baahidiisa ah in uu helo daryeelkaas.

Yuusuf Omar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: