Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay Asmara, muxuu socodku daaranyahay? (dhegayso)

HomeWararka

Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay Asmara, muxuu socodku daaranyahay? (dhegayso)

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo u dhoofay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteriya. Madaxwanaha ay

Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
MARTISOOR: RW Kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed iyo khudbadiisii London (dhegayso)
WAREYSI: Caasho Geele oo Arrimo Xasaasi ah ka hadashay

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo u dhoofay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriteriya.

Madaxwanaha ayaa waxaa uu raacay diyaarad khaas ah, waxaana socdaalkiisa lagu sheegay mid sare loogu qaadayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo Eriteriya.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Isbadalo waawayn ayaa kasocda Geeska Afrika, taasi oo ay lu ku leeyihiin dowladaha waawayn iyo Imaaraatka Carabta oo doonaya inuu la wareego dekedda Asmara, kadib markii laga soo eryay dekedda Jabuuti, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu kasoo saaray sharci dhigaya inaanay maamuli karin dkedaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaan la ogayn isbadalka Geeska Afrika ka bilowday oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan saamaynaya ay ka faa’iidaysan doonto iyo in kalle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: