Qoysaskii ku barakacay dagaalkii Dhumay oo deeqdii ugu horaysay lagaarsiiyay dhegayso )

Qoysaskii ku barakacay dagaalkii Dhumay oo deeqdii ugu horaysay lagaarsiiyay dhegayso )

Ilaa 1500 oo qoys oo ka barakacay dagaaladi bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool ayaa la gaarsiiyey Gargaarkii u horeeyey oo ah raashin, gogol iyo bustayaal, deeqdan waxaa soo diray Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar.
Gudoomiyaha deegaanka Dhumay Faarax Barre Ciise (Hurre) oo Radio Daljir u waramay  ayaa  sheegay in ay jiraan kumanaan qoys oo wali aan wax gargaar ahi gaadhin marka laga tago 1500 ee hadda raashinka iyo googosha helay.
“Dad barakacay oo gaarey Dhagax Isgurow waxba looma keenin wali, dadka aan wali raashinka helin ilaa dhawr kun waa gaadhayaan”, ayuu yiri Hurre.
Wuxuu sheegay in dadku baahiyo badan wali qabaan wax ka horeeyey gargaarkan hadda la keenayna aysan jirin wuxuuna baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkan barakacay.
“Waxaan ugu baaqayaa cid walba maamulada, Dawlada Federalka, Ismaamulka Soomaalida ee Jigjiga iyo cid kasta oo caawin karta dadkaas in wali ay jiraan dad aan wx gargaar ah la gaarsiin una baahan yihiin caawimo degdeg ah”, ayuu hadalkiisa raaciyey.
Deegaanada lagu barakacay oo kala duwan ayaa dadka ku barakacay waxa ay  gaadhayaan ilaa 6000 oo qoys oo ka barakacay 7 deegaan oo ay wada degaan labada beelood ee Dhumay ku dagaalamay dadka barakacay ayaa ku arooray ilaa 9 kaam oo kala duwan oo qaar kood dhacaan gudaha xadka Ethiopia.
Dhegayso.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com