Xildhibaanno ka tirsan BJFS oo Johannesburg uga qeybgalay Shirka Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika

HomeWararka

Xildhibaanno ka tirsan BJFS oo Johannesburg uga qeybgalay Shirka Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika

Kulankaan baarlamaanka Afrika oo ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed uga qeybgaleen xaruntiisa magaalada Johannesburg ayaa waxaa looga arrinsada

Gudoomiyasha Labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya oo Garowe kaga qayb Galay Kalfadhigii Barlamaanka Puntland (dhegayso)
Mareykanka oo sheegay todobo ka mid ah Al-shabaab inuu dilay
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Kulankaan baarlamaanka Afrika oo ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed uga qeybgaleen xaruntiisa magaalada Johannesburg ayaa waxaa looga arrinsaday halkudhiga sanadkaan ee Midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale looga hadlay sidii Afrika ay ugaari laheyd isku filnaasho, wax-soosaarka cuntada ah iyo La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo nabadgalyo xumida ay argagixisadu sababtay.

Mudanayaasha Soomaaliya uga midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo kala ah Xildhibaan Aaden Maxamed Nuur (Saransoor), Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Xildhibaan Zamzam Maxammed Cumar (Gobsan) iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) ayaa ka warbixiyay kulankaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika

Baarlamaankaan Pan-Afrika oo ah baarlamaan uu leeyahay Midowga Afrika oo ay 54ta dal xubno ka yihiin ayaa la rajeenayaa inuu sharci dajiye rasmi ah noqdo marka ay xeerkiisa saxiixaan 28 dal oo Afrika ah, iyadoo ay haatan saxiixeen 14 dal oo ay Soomaaliya ku jirto

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: