Mareykanka oo sheegay todobo ka mid ah Al-shabaab inuu dilay

Mareykanka oo sheegay todobo ka mid ah Al-shabaab inuu dilay

Ciidamada Mareykanka ee la dagaalanka argagaxisada Afrika (Afrikom) ayaa sheegay in todobo ka mid ah Al-shabaab lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen gobolka Mudug.

Qoraalka ayaa lagu sheegay duqaynta oo kadhacday deegaanka Quycad 20kii bishaan aanay wax khasaare ah kasoo gaarin dhimasho ama dhaawac ah dadka shacabka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka duqaynta inay ku timid wada shaqayn dhexmartay dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo wiiqo awoodda kooxda Al-shabaab si mustaqbalka ay awood ugu yeelan inay weeraro gaystaan, iyadoo la beegsanayo xubnaha ururka iyo hogaamiyeyaashooda.

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com