Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Dalka Qatar uga qeybgalaya shir muhiim ah

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Dalka Qatar uga qeybgalaya shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa gaaray Magaalada Doxa ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo Shirka madasha Bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada Caafimaad,(Middle Eastern conference for health services quality and safety).

Wasiirka Caafimaadka ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay siihayaha Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Qatar Ruun Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda Caafimaadka ee kasoo qeyb galaysa Shirka isagoo kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta Caafimaadka maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna Caafimaadka iyadoo uu sidoo kalena dalalka qeybahooda Caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta Caafimaadka Soomaaliya iyo Mashaariicda lagu horumarinayo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa tilmaamay inay ka go’antahay horumarinta adeegyada Caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo hiigsiga hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka Caafimaadka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com