Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ku talisay in la abuuro Golaha la dagaalanka Islaam-Naceybka

HomeWararka

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ku talisay in la abuuro Golaha la dagaalanka Islaam-Naceybka

Ilhaan Cumar,oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-nac

Golaha Ammaanka ee QM oo shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuqa meeraysane ee Garoowe (Sawirro)
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)

Ilhaan Cumar,oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

Qorshahan ayaa waxaa ay Ilhan Cumar garab ugaga heleysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

“Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha.”

“Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay @RepSchakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka,” ayey soo qortay.

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

“Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: