HomeUncategorized

Xildhibaan lagu weerary Muqdisho iyo laba qof oo dhimatay

Muqdisho, 05 - April - 2016 - Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho maanta, kaddib markii gaari uu la socday ay koox hubeysan ku rasaaseysay meel u dhow Bacadlaha Xamarweyne.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tall man.
Dhagayso Awaamiir kasoo baxday Guddiga Amniga Gobolka Nuugaal
Aragtida ganacsatada, Issimada & indheergadadka Galkacyo ee lacagta faalisada ah ee lagu qabtay Galkacyo.

Muqdisho, 05 – April – 2016 – Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho maanta, kaddib markii gaari uu la socday ay koox hubeysan ku rasaaseysay meel u dhow Bacadlaha Xamarweyne.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka, iyadoo ay ku dhinteen laba qof oo kala ahaa mid kamid ah ilaaladiisa iyo darawalkii gaariga la rasaaseeyey.

Mudanaha la dhaawacay ayaa bishii August ee sanadkii hore loo dhaariyey xubinnimada baarlamaanka, isagoo beddelay Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre Barre oo lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeysay ay ka dhaceeyn dilal loo geystay dad ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: