Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Khudbad Toos Ah Ka Jeediyay Television-ka Dawladda Puntland ee Puntland Tv

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 05, April 2016 waxa uu si rasmi ah u booqday xarunta dhexe ee warbaahinta Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si toos ah shaashada Puntland Tv ugala hadlay guud ahaan shacabka Puntland iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Dawladda Puntland u saxiixday heshiiskii dhowaan lagu gaaray Caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in ay masuuliyad ka saaran tahay geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin ku haboon sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar , loogana saari lahaa caqabadaha hor taagan dib u dhiska dalka dhan kastaba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ku sharaxay ujeedka ay Puntland u gashay heshiiskii Garoowe, wuxuuna yiri

“ Inta aanan sharxin wuxuu xanbaarsan yahay heshiiskani, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in ay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu kusoo ururtay.

         1- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa
              ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. Wax maslaxad
              Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha,  kala go’ 
              cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo
              jiritaankii Soomaaaliya. 

         2- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka 
              doorashooyinka , masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan
              ehel u ahayn . Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay 
              jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo
              Soomaaaliya dhexdeeda.

             Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna 
             waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay in ay wiiqanto midnimada
             Puntland

         3- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma
              miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta
              Soomaaliya. 

             “Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay
               oon isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku
                jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahad celiyay dedaalkii dheeraadka ahaa ee ay sameeyeen guddigii Dawladda Puntland ay u wakiilattay wada hadaladii kala duwanaa ee ku saabsanaa geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com