Roobka Gu’ga oo ka curtay Awdal

Barbara, 05 – April – 2016 – Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ayaa sheegaya in roobka Gu’ga uu ka billowday deegaanno ka tirsan gobolkaas.Roobka ayaa ku soo beegmay xilli abaar daran oo saamaysay dadka iyo xooluhuba ay ka jirto gobollo badan oo uu kamid yahay gobolka Awdal.

Roobka intiisa badan ayaa ka da’ay magaalada Boorama, deegaannada xeebta ku teedsan, Dilla, Kalabayr iyo deegaanno kale.

Inkastoo uusan xoog badnayn roobka ka da’ay Awdal, haddana wuxuu farxad iyo yididiilo galiyay dadka ku nool gobolka oo ku qabowsaday.

Gobolka Awdal ayaa ugu daran gobollada Soomaaliyaoo ay abaartu saameynta ku yeelatay, waxaana ka socda dadaallo lagu samata bixinayo dadka dhibaataysan.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com