HomeUncategorized

Xildhibaan Agandi oo qiray sharci darada lagu xiray radiyow Daljir-Dhagayso

June, 30 - 'Radio Daljir waxaan u arka inay ku xiran tahay sifo sharci darro ah oo aan loo adegsan dastuurka dalka iyo sharciga dalka u dagan' ayuu yiri xildhibaan Yaxye Agandi oo katirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka hadlay xirnaashiyaha qaar ka mid ah xarumaha Radio Daljir oo todobaad ka badan hawada uga maqan amar dowladda Puntland kasoo baxay.rn

Xassan Shiikh Maxamuud oo loo doortay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 4-ta sano ee soosocota.
Tirada dhimashada iyo dhaawaca dagaal beeleed ka socda shabeelaha hoose oo sii kordhaya
DHEGEYSO-Hooyo gabadheeda lagu kufsaday dueledka Galdogob oo baaq u dirtay dowladda.
 
 
June, 30 – ‘Radio Daljir waxaan u arka inay ku xiran tahay sifo sharci darro ah oo aan loo adegsan dastuurka dalka iyo sharciga dalka u dagan’ ayuu yiri xildhibaan Yaxye Agandi oo katirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka hadlay xirnaashiyaha qaar ka mid ah xarumaha Radio Daljir oo todobaad ka badan hawada uga maqan amar dowladda Puntland kasoo baxay.
 
 
Xildhibaan Yaxye Agaandi ayaa xukumada Puntland ugu baaqay  inay si dhaqso ah Xoriyadooda ugu  so celiso Radio Daljir, waxaana xirnaashiyaha idaacadda saamayn ay ku yeelatay ardayda dugsiyada sare Puntland oo ku tartami jiray barnaamij sanadeedka Tartan iyo Tacliin oo sanadkii 9-aad Raadiyow Daljir kasocday.
 
Waxaa khadka telefoonka ku Wareystay Xildhibaan Yaxye Agaandi Wariyaheena Sharmaarke Cabdulqaadir Jaaamac oo ku sugaan xarunta Daljir Garoowe Ugu Horeena waxaa u weydiyey Barlaaman ahaan sidey u arkaan Xariga radio daljir oo malinti sideedad galay.
 
Sidoo kale dowladaha taageerada siiya Puntland, hay’adaha caalamiga iyo kuwa saxaafadda ka shaqeeya ayaa cambaareeyey xariga  iyo hanjabaadda wasiirka warfaafinta dowladda Puntland oo usoo jeeday Radiyow Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: