HomeUncategorized

Tirada dhimashada iyo dhaawaca dagaal beeleed ka socda shabeelaha hoose oo sii kordhaya

Marka, December 14, 2013 - Waxaa maalintii labbaad dagaal ka socdaa deegaano hoostaga deegmada Marka iyo deegaanka Ow-dheegle ee gobolka Shabeelaha hoose, ilaa haatan waxaa dagaalka ka soo baxaya.

Qardho: Dareenka iyo jawiga goobaha codaynta Qardho ee saakay
(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Boosaaso)
Qaramada Midoobey oo Kenya la hubinaysa amaanka iyo xasiloonida dalkaas oo muhiim u ah gobolka

Marka, December 14, 2013 – Waxaa maalintii labbaad dagaal ka socdaa deegaano hoostaga deegmada Marka iyo deegaanka Ow-dheegle ee gobolka Shabeelaha hoose, ilaa haatan waxaa dagaalka ka soo baxaya warar kala duwan.

8 qof ayaa ku dhintay 10 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaalka, xiisada ayaa weli aloosan.

Dagaalka ayaa shalay ka bilowday tuulada Aybuutey ee hoostaga Ow-dheegle, balse haatan wuxuu ku fiday deegaano kale oo ay ku jiraan Guumaysi-diid, dagaalku waa mid u dhexeeya labba beelood.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in dagaalku haatan dhexmarayo ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ah oo u abaabulan hab-beeleed.

Gobolka shabeelaha hoose ee Soomaaliya ayaa deris la noqday dhowaantan dagaal beeleedyo inta badan lug ku yeelanaya ciidamada dowladda ee gobolka jooga, ilaa haatan dagaalka socda lagama hadlin.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: