Odoyaasha Hiiraan oo shaaciyey in heshiis horu-dhac ah laga gaaray dagaalkii beeraha ee Kabxanley

Beledweyne, December 14, 2013 – Waxgarad, maamulka gobolka Hiiraan, taliska AMISOM ee Hiiraan iyo saraakiil ka socda Itoobiya ayaa shalay gaaray deegaanka Kabxanley ee woqooyiga gobolkaas, si ay dhex dhexaadin ugu sameeyaan beelo dirir dhexmartay.

Heshiis horudhac ah ayaa lagu guulaystay in la dhex-dhigo beelaha dirirtu u dhexaysay.

Nabbadoon Cismaan Geedi oo ka mid ah waxgaradka ka qayb-galay shirka heshiiska lagu dhexdhigayey beelaha dagaalamay, waxaa uu sheegay in guul laga gaaray wada hadalka shalay dhacay.

Waxaa uu sheegay nabadoon Geedi in dhowaan la qaban doono shir balaaran oo dhexmari doona beelaha dirirtu dhexmartay, maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Khamiistii dagaal ka dhacay Kabaxanley waxaa ku dhintay 8 ruux, halka uu dhaawac soo gaaray 20 kale, beelaha dagaalamay oo isku haya dhul-beereed ayaa heshiis horudhac ah gaaray bishii hore in kastoo heshiiska la bur buriyey.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com