HomeUncategorized

Xil. Muumin oo sheegay in aanu jirin sharci u banaynaya xukuumadu in ay xayiraad ku soo rogto safarada xildhibaanada.

Muqdisho, May 09 - Xil. Cali Muumin Ismaaciil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya, ahna sharci yaqaan, ayaa sheegay in aanu

Baahin: Isniin, Mar 21, Weriye Kooshin ~ Daljir ~ Garoowe. Gaalkacyo: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka warbixiyay xaaladda ammaanka ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay … Beyla: Burcaddii haysatay qoyska Danish-ka ah oo ka huleelay Karkaar una ruuqaansaday Bari, waraysi ayaad maqli doontaa … Hiiraan: Dagaallada ka dhex socda Alshabab iyo Maamulka dooxada Shabeelle iyo xogtii ugu dambaysay … Godobjiraan: Xaaladda abaaraha oo saamaysay dad iyo duunyo, waraysi ayaad ka maqli doontaan …
DHEGEYSO-Barlamaanka Puntland oo wargelin siiyey musharixiinta aqalka sare.
Miisaaniyada Puntland oo la ansixiyey iyo Maaliyada oo su?aalo laga weydiyey canshuurta (Dhegeyso)

Muqdisho, May 09 – Xil. Cali Muumin Ismaaciil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya, ahna sharci yaqaan, ayaa sheegay in aanu jirin sharci xukuumada u fasaxaya in xoriyada laga qaado mudanayaasha baarlamaanka, ama in laga hor istaagi karo in ay safraan.

Md. Muumin ayaa sheegay in 3-da hay’adood ee dawladu ay siman yihiin, midina aanay midda kale ka awood sarayn, aanuna jirin sharci xukuumada u fasaxaya in ay fara-galiso hawlaha baarlamaanka, sida hadalka, shirarka, ama safarada ay xildhibaanadu dalka dibadiisu ugu baxayaan.

Xil. Muumin waxaa kale oo uu sheegay in xoriyaadka xildhibaanka ay ka mid yihiin in aan la xiri karin, loo diidi karin i uu dhoofo ama hadlo.

Md. Muumin waxaa uu intaas ku daray in axdi-qarameedka dawlada federaalka ah iyo dastuurkii 60-kiiba ay qorayaan xoriyaadka xildhibaanka ee dhigaya in aan xildhibaanka loo diidi karin in uu hadlo ama safro.

Tani waxaa ay daba-socotaa dhacdo maanta ka dhacday madaarka Adam Cadde ee magaalada Muqdisho oo 40-meeyo xildhibaan laga celiyey, loona diiday in ay u safraan Nairobi.

Badi xildhibaanada safarka loo diiday ayaa ka mid ah guddiga doorashada oo la sheegay in ay Nairobi kaga qayb gali lahaayeen tababar la xiriira maaraynta iyo maamulka doorashooyinka.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanadu, M/weyne Shariif ayaa la sheegay in uu amray xayiraada safarka xildhibaanada.

Waxaa in dhawaale loolan xoogani uu ka dhex aloosnaa madaxda golayaasha dawlada federaalka ah oo ku kala aragti duwan mustaqbalka hay’adaha dawladda.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: