Xasan sheekh oo magacaabay la taliyihiisa Arrimaha Dastuurka u

Xasan sheekh oo magacaabay la taliyihiisa Arrimaha Dastuurka u

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la taliyihiisa Arrimaha Dastuurka u magacaabay agaasimihii hore ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 23 May 2022 isla maalintii uu xilka kala wareegay madaxweyne Farmaajo agaasimaha madaxtooyada u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud oo noqday qofkii ugu horreeyey ee uu xil u magacaabo madaxweynaha kadib dib u doorashadiisii 15 May 2022.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xilka agaasimaha madaxtooyada si rasmi ah isaga casilay 13 August 2023, xilligaas oo uu doonayey inuu musharrax madaxweyne u noqdo Maamulka Koonfur Galbeed balse dib loo dhigay doorashadii maamulkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkan la-taliyaha Arrinaha Dastuurka u magacaabay Dr Cabdiraxmaan Baadiyow 8 June 2022, lama shaacin in xil kale loogu bedelay iyo in kaliya laga qaaday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com