Xasan sheekh oo ku baaqay joojinta dagaalka ka socda gobalada dalka Qaar

HomeWararka

Xasan sheekh oo ku baaqay joojinta dagaalka ka socda gobalada dalka Qaar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay colaad beeleedyada maalmihii dambe ka jirtay qaar ka mid ah gobolada dalka. Waxaa uu sheegay in ay

SAAKA & DUNIDA IYO MAXAMED IBRAAHIM GEELLE
MADAXWEYNE MUSTAFE MUXUMED CUMAR OO KULAN LA YEESHAY SARAAKIISHA LIYUU BOOLISKA
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay colaad beeleedyada maalmihii dambe ka jirtay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in maanta Soomaaliya ay ka dhacaan dagaal beeleedyo xilli ay xusid mudan tahay in dalka uu kusii baahayo Cudurka Corona Virus.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday beelaha walaala ah ee ku dagaallamaya meelo ka mid ah Soomaaliya in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga iyo dadka xabad joojinta wadda.

Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in la joojiyo dhiiga walaalaha ee micno darrada ku daadanaya.

Wuxuu odayaasha iyo waxgaradka ku booriyay xoojinta dadaalada nabadda lagu raadinayo, isagoona maamulada ka jira deeganada ay colaadduhu ka jiraan ugu baaqay in ay mas’uuliyadooda kasoo baxaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: