Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar ayaa xafiiskiisa shir ugu qabtay masuuliyiinta xafiiska nabadgaliyada iyo saraakiisha ugu saraysa ee ciidanka gaarka ah (Liyuu Police).

Ujeedada kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay degmooyinka Salaxaad, gobolka Erer, iyo Raaso ee gobolka Afdheer, iyo sidii sharciga loo horkeeni lahaa ciddii ka dambaysay isku dhaca shacabka labadaas degmo ee Salaxaad iyo Raaso.

Gabogabadii shirka ayaa waxaa la isla qaatay in isku dhacaas labada degmo ciddii ku lug lahayd xabsiga loo taxaabay, ahaana hoggaanka nabadgaliyada degmada Raaso, hoggaanka nabadgaliyada degmada Salaxaad, madaxa maleeshiyada degmada Raaso iyo madaxa maleeshiyada degmada Salaxaad.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com