Xasan sheekh: ”Farmaajo dalka xaalad mugdi ah ayuu galiyeey”

HomeWararka

Xasan sheekh: ”Farmaajo dalka xaalad mugdi ah ayuu galiyeey”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaah

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor Iyo Fahad Yaasiin?
Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo si Kulul uga Hadlay Qarixii Muqdisho, Canaantayna Madaxda Dowladda (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo in dallka uu geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka.

Qoraal uu Xasan Sheekh soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qaaday tallaabo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag.

“ Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaagayuu yiri” Xasan Sheekh.

Warkan kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kama mid ah Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana aan weli lagu heshiin arrimaha doorashooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: