Maxay ka wada hadleen Qoorqoor Iyo Fahad Yaasiin?

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor Iyo Fahad Yaasiin?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa caawa ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonk diyaaradaha Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo xubno la socday oo uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka, iyadoo xilligan loo arko in Madaxweyne Qoorqoor uu yahay saaxibka ugu weyn ee Villa Somalia heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya Ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabadsugida oo aanu faraha kala bixin, iyada uu maanta la wareegay xilka La Taliyaha Amniga Qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com