Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka sameyeey Jowhar

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka sameyeey Jowhar

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Puntland oo lagu eedeeyay inaysan dan kalahayn Gobalka Sanaag & Somaliland oo Sanaadiq keentay (dhegayso)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada.

Muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: