Xarunta Barlamaanka Puntland oo la xaraashayo sabab?

HomeWararka

Xarunta Barlamaanka Puntland oo la xaraashayo sabab?

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa isku raacay in la iibiyo xaruntii hore ay ku shaqeynayeen taasoo ku taal gudaha magaalada Garowe. Guddoonk

Waxgaradka Gobalka Galgaduud oo Hambalyo u diray Madaxweyne Deni (dhegayso|daawo)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay Rag ka tirsan Al-Shabaab

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa isku raacay in la iibiyo xaruntii hore ay ku shaqeynayeen taasoo ku taal gudaha magaalada Garowe.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay qoraal codsi ah oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe.

Xaruntan ayaa la sheegay in amni ahaan aysan ku habboonayn in hadda ku shaqeeyo Golaha Baarlamanka maadaama ay ku dhex taallo gurya ay deggan yihiin dad shacab ah sidaas darteedna ay tahay in goluhu helo xarun ka baxsan gudaha magaalada.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana la raadiyo xarun kale.

Hase yeeshee Guddoonka Baarlamanku ma shaacin halka ay xarun cusub ka dhiganayaan maadaama ay ansixiyeen in ay iibsadaan xaruntooda ay haatan ku shaqeeyaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: