Rushka oo sheegay inay xaqijiyeen dawada talaalka Cudurka Covid-19

HomeWararka

Rushka oo sheegay inay xaqijiyeen dawada talaalka Cudurka Covid-19

Xarunta cilmi baarista ee Ruushku waxay sheegtey inay si guul leh ku dhammaystirtay tijaabooyinka caafimaad ee ugu horreeyay ee adduunka ee tallaalka

Ololaha Wacyigelinta Dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Jowhar
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan La Qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya
Jabhad weerartay ciidanka Somaliland ee Laascaanood

Xarunta cilmi baarista ee Ruushku waxay sheegtey inay si guul leh ku dhammaystirtay tijaabooyinka caafimaad ee ugu horreeyay ee adduunka ee tallaalka cudurka coronavirus.

Vadim Tarasov, oo ah agaasimaha Machadka Ruusha ee Caafimaadka iyo cilmiga bayoolajiga, ayaa sheegay in tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka ay si wanaagsan ku dhamaatay, islamarkaana ay tahay guul ay gaareen Shacab weynaha Ruushka.

“Badbaadada tallaalka waa la la xaqiijiyay, waxay ka dhigan tahay guul weyn oo ku saabsan Cudurka Corona vurus , waxaan sii wadi doonnaa dadaalkeena”ayuu yiri Agaasime Vadim Tarasov.

Sidoo kale saynisyahannada Shiinaha iyo Thailand ayaa sidoo kale u tartamaya sidii ay u bilaabi lahaayeen wajiyo cusub oo ay ku soo saarayaan tallaalladooda u suurtagalka ah ee COVID-19.

Ruushka, ayaa xaqiijiyay 719,449 oo ah kiisaska COVID-19, waana dalka afaraad ee ugu xun adduunka Cudurka Corona vurus.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: