Xaggey maraysa doorashadda dalka Itoobiya?

HomeWararka

Xaggey maraysa doorashadda dalka Itoobiya?

Natiijada Doorashadii Ethiopia oo la shaaciyay ayaa la sheegay in ugu yaraan dhammaan kuraasta baarlamaanka ee loo tartamay ay ku guuleysteen xisbiga

Dagaal ka socda magaalada Xeraale ee gobalka Galgaduud
BOSAASO: dhalinyaradda oo tageeray dhismaha garoonka kubada cagta (Daawo)
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 59aad daawo)

Natiijada Doorashadii Ethiopia oo la shaaciyay ayaa la sheegay in ugu yaraan dhammaan kuraasta baarlamaanka ee loo tartamay ay ku guuleysteen xisbiga talada haya ee EPP.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo shaaciyey natiijada doorashadii 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya ayaa sheegay in xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.

Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale.

Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: