RW Rooble oo booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garbahaarreey ayaa xalay booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahadceliyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada,wuxuuna kuna boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka.

Kulamo kala duwan ayuu ka bilaabay ra’iisul wasaare Rooble magaalada Garbahaarey isagoo doonayo in xal waara laga gaaro khilaafka u dhexeeya qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo iyo Maamulka Jubbaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com