Muqdisho: Garabka Cabdi xaashi ee Somaliland oo doortay guddoomiye

Xubnaha maamulaya Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa iska doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga Doorashada FIET. Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Kuxigeen.

Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhank Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa u muuqda inuu dib u soo laba kacleeyay, maadaama Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Wararka ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn ee la isku hayo ay tahay in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com