Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo bandhigay horumarka howlaha doorashooyinka

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo bandhigay horumarka howlaha doorashooyinka laga sameeyay tan iyo markii uu la wareegay maamulka doorashada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay howlaha maamulka doorashooyinka waxa uu qaaday tallaabooyin la xiriira sidii loo qaban lahaa doorashada.

Hase yeeshee jadwalki hore loo qorsheeyay inuu ku qabsoonto doorashada gaar ahaan doorashada Aqalka Sare ayaan suurtogelin iyadoo labo maalin oo kaliya ay ka harsan tahay xilligii loo qorsheeyay inlagu soo gabagabeeyo doorashada senatarada Aqalka Sare.

Qoraalka ka soo baxay Horumarrada laga sameeyay howlaha doorashooyinka;
May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com