Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga hirgalinta doorashooyinka Dadban ee heer federaal iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhagaystay warbixino heerarka ay marayaan diyaargarowga qabasahada doorashooyinka.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ay hayaan guddiga waxa uuna sheegay in uu dhawaan soo gudbin doono xubnaha musharaxiinta Aqalka Sare.

Wafdiga uu horkacayo guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federal Maxamed Xasan Cirro ayaa waxa uu booqasho ku joogay maalmihi la soo dhaafay magaalada Kismaayo waxana uu soo booqday hoolka la qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com