Xaaladda Guriceel oo saakay degan  & Wararkii ugu dambeeyay

HomeWararka

Xaaladda Guriceel oo saakay degan & Wararkii ugu dambeeyay

Magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa saakay deggan kaddib markii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaal udhaxeeya Ciidamada

Camay oo Booqday Jeexdin, Godad, iyo Gacnofale (dhegayso + sawirro)
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Magalada Marka
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)

Magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa saakay deggan kaddib markii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaal udhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo wada socda iyo Ururka Ahlu-sunna.

Dagaaladii saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dhaliyay qasaare iskugu jira dhamasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah,Waxaana saakay magaaladu ay tahay mid deggan inkasta oo Ciidamada Dowladda iyo Galmudug iyo Ahlu-sunna ay ku kala sugan yihiin goobihii ay ku dagaalamayeen maalmihii la soo dhaafay waxaana shalay ciidamada dowladda ay isku fidiyeen goobo cusub halka Ahlu-sunna ay tahay saldhigga ugu wayn ee ay kusugan yihiin Jaamacadda.

Goobaha Ganacsiga,Goobaha Waxbarashada iyo guud ahaanba dhaq dhaqaaqa magaalada ayaa wali hakad uu kujiraa maadaama la filan karo in dagaal kale uu dhexmaro dhinacyadaan oo wali isku horfadhiyaan gudaha magaalada.

Waxaa jira baaqyo loo dirayo dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Guriceel oo ku saabsan in ay joojiyaan dagaalka.

Shacabkii magaalada Guriceel ayaa badankood wali daruufo adag ku wajahaya goobihii ay ubarakaceen ee duleedka magaalada iyagoo ka cabsi qaba in naftooda uu galaabto dagaalka.

Ayaanle Cabdullaahi Jaamac

Diiwaanka wararka

Daljir Caabudwaaq

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: