IGAD oo warbixin ka soo saartay  afgambigii ka dhacay  Suudaan

HomeWararka

IGAD oo warbixin ka soo saartay afgambigii ka dhacay Suudaan

Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uuna sheegay in uu si dhow ula socd

Wasiirka Gaashandhiga DFS oo Kulan la qaatay Qaar kamid ah Saraakisha Ciidamadda
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Ciidanka Dowladda iyo Alshabaab oo ku Dagaalamay Degmada Baardheere (dhegayso)

Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uuna sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaas.

Xoghayahu waxa uu si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.

Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran.

Sudan waxa ay iminka heysaa hogaanka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD, waana xubin muhiim ah oo ka mid ah aas aasayaasha IGAD, iyadoo ururka uu garabtaaganyahay uuna taageersanyahay shacabka iyo dowladda KMG ah ee Sudan, si loo xoojiyo guulaha Nabadda iyo demoqraadiyadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: