Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Magalada Marka

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Magalada Marka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta

Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay magaalada marka, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Madaxweynaha ayaa Ehelka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow, isaga oo sheegay uu Waafoow uu ahaa nin dadkiisa iyo Maamulkiisa si wanaagsan ugu Shaqeeynayay.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab oo ka dambeeyay qaraxaas dhibaatada ay ku hayaan Shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda aysan aheyn mid la soo koobi karo, isla markaana ay bartilmaameed sanayaan dadka waxgalka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay yihiin kuwo si joogta ah u beegsada Shacabka iyo mas’uuliyiintooda.

” Waxaa nasiib darro a in maalin walba dadka kii ugu qiimaha badan iyo Shacabka kii ugu tabarta darnaa ay dilaan Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab una diyaar garoowaan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: