Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Daadejinta Adeegga Dowladaha Hoose

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddiga Daadejinta adeegga Dowladaha

Caaqil Cabdiraxmaan Guulled: “Maxaabista kale guryahooda ayay ku noqon doonan, lakin Faysal maya.
Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddiga Daadejinta adeegga Dowladaha Hoose ee Maamulkaas.
Guddigan oo ka kooban 10-xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan Daadejinta adeeggyada Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug.

Wareegtadan ayaa lagu faray laamaha kala duwan ee amniga inay la shaqeeyaan Guddigaan uu magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Magcayada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.

1-Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)

2-Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3-Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

4-Cabdiwali C/llahi laamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5-Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta

6-Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta

7-Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

8-Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada

9-Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

10- Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: