HomeUncategorized

Weerarada burcadbadeeda oo hoos u dhacay

Kuala Lumpu, Oct 22 - Weerarada ay kooxaha burcadbadeedu ku qaadayaan maraakiibta ayaa sanadkan siweyn hoos uga dhacay sanadihii hore, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay'adda Badaha Caalamiga ee IMB.

Waxqabadka xukuumada Puntland ee M/weyne Faroole 100-kii maalmood ee ugu horeeyey.
DHEGEYSO-Puntland oo fasaxday doorashada aqalka hoose.
HRW oo dowladda Kenya ku eedaysay xuquuqda banii’aadamka inay ku xadgudubtay

Kuala Lumpu, Oct 22 – Weerarada ay kooxaha burcadbadeedu? ku hayaan maraakiibta ayaa sanadkan 2012? siweyn hoos uga dhacay sanadihii hore,? sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Badaha Caalamiga ee IMB.

Ilaa 70-weerar ayay burcadbadeedu qaadeen sanadkan, waxa ay aad hoos uga? dhacday marka loo eego sanadkii 2011 oo ay dhaceen 233- weerar.

Hay’adda IMB ayaa xustay faragalinta calaamiga iyo tallaabooyinka xagga amniga loo qaaday inay hoos u dhigtay tirada weerarada burcadbadeedu gaystaan.

Catain Pottengal Mukundan, agaasimaha hay’adda IMB ayaa yiri.

“Waa war wanaagsan wararka ah afduubyada inay hoos u dhaceen, balse wali ma jirto amaan buuxda- welli khatar xoogan ayaa dhanka badda ka jirta waana inay howlaglada sii wadaan maraakiibta la dagaalanka burcadbadeeda ee jooga”

Hay’adda IMB ayaa gabagabadii sheegtay burcadbadeedu inay? welli madaxfurasho u haystaan 11-markab oo ay saaranyihiin 167- shaqaalle.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: