Site icon Radio Daljir

Weerarada burcadbadeeda oo hoos u dhacay

Kuala Lumpu, Oct 22 – Weerarada ay kooxaha burcadbadeedu? ku hayaan maraakiibta ayaa sanadkan 2012? siweyn hoos uga dhacay sanadihii hore,? sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Badaha Caalamiga ee IMB.

Ilaa 70-weerar ayay burcadbadeedu qaadeen sanadkan, waxa ay aad hoos uga? dhacday marka loo eego sanadkii 2011 oo ay dhaceen 233- weerar.

Hay’adda IMB ayaa xustay faragalinta calaamiga iyo tallaabooyinka xagga amniga loo qaaday inay hoos u dhigtay tirada weerarada burcadbadeedu gaystaan.

Catain Pottengal Mukundan, agaasimaha hay’adda IMB ayaa yiri.

“Waa war wanaagsan wararka ah afduubyada inay hoos u dhaceen, balse wali ma jirto amaan buuxda- welli khatar xoogan ayaa dhanka badda ka jirta waana inay howlaglada sii wadaan maraakiibta la dagaalanka burcadbadeeda ee jooga”

Hay’adda IMB ayaa gabagabadii sheegtay burcadbadeedu inay? welli madaxfurasho u haystaan 11-markab oo ay saaranyihiin 167- shaqaalle.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

Exit mobile version