Daynta cafinteedu socoto ee Soomaaliya goormaa la galay, Maxayse ku baxday?

HomeWararka

Daynta cafinteedu socoto ee Soomaaliya goormaa la galay, Maxayse ku baxday?

Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday qorshe la xiriira sidii ay dunida uga dhaadhicin lahayd cafinta daymaha lacageed ee Soomaa

Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir
Madaxweyne Farmaajo oo Shir-doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga
Caawa & Daljir iyo Cabdixakiim Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday qorshe la xiriira sidii ay dunida uga dhaadhicin lahayd cafinta daymaha lacageed ee Soomaaliya lagu leeyahay, taasoo ah balaayiin dollar.

Dawladda ayaa arrinkaasi dayn cafinta u aragta tallaaboo mugleh, waxna kka tari karta siyaasaddeed iyo kalsooni siinta bulsho ee xagga waxqabashada, iyadoo madaxda Soomaaliyeed ay shirar badan ka sheegeen arrinkaasi, siiba xilli uu soo dhawyahay cimri-dhammaadka xileed ee hay’adaha sharciga ah ee dawladda.

Shalay wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiramaan Ducaale Beyle oo shir saxaafadeed qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinka dayn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay dad badani in ay si gurracan u fahmeen hannaanka dayn cafinta ee Soomaaliya.

Haddaba daynta laga cafinayo Soomaaliya goormay qaadatay dawladda Soomaaliyeed, xillimayse soo bilaabatay, maxaase lagu qabtay oo dayntaasi lagu galay.

Cismaan Yuusuf Xaraare waa siyaasi si dhaw ula socday arrimaha daymaha lacageed ee Soomaaliya lagu leeyahay, wuxuuna wareysi uu siiyey Radio Daljir uga hadlayaa dayntaan iyo xilliyada ay gashay dawladda Soomaaliya.

Hoos kaga bogo waraysiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: