Sabrina Dhowre Xaaska Jilaaga Idris Elba oo laga helay Cudurka coronavirus

Sabrina Dhowre Xaaska Jilaaga Idris Elba oo laga helay Cudurka  coronavirus

Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho”

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

“Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

“Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tiri Sabrina.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com