HomeUncategorized

Wasiirrada caaddalladda, caafimaadka, iyo deegaanka oo booqday dhaawacyadii Buuhoodle ee lagu dawaynayo cisbitaalka Galkacyo.

Caption ...

Warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqday in la baaro rag hubaysan oo saaka dilay Eng. Axmed Shariif
DHEGEYSO-Falanqaynta go’aan shalay kasoo baxay xukuumadda Puntland.
Ciidamada Yemen oo xiray dad lagu tuhmay Al-Shabaab

Galkacyo, Jan 29 – Mas?uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Puntland ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalka magaalada Galkacyo, halkaasi oo ay ku booqdeen dhaawacyadii dagaalladii Buuhoodle iyo dad kale o bukaan ah.

Madaxda dawladeed ee maanta booqatay dhaawacyadaasi ayaa iskugu jiray wasiirro, xidhibaano iyo madax heer gobol ah oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Mudug, kuwaasi oo mid mid u galay qolalkii ay jiifaan dhaawacyadii Buuhoodle iyo bukaanno kale.

Madaxdaasi heerka sare ah ee dawladda Puntland waxaa hoggaaminayey wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Cabdikhaliif Ajaayo, waxaana ka mid ah wasiirradda caafimaadka, deegaanka iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland, iyadoo sidoo kalena ay kormeeriddooda kala qaybgaleen madaxda maamulka gobolka Mudug iyo guurti-dhaqan.

Wasiirrada iyo xubnaha kale ee dawladeed waxay si gaargaar ah u xog-warayseen dadkii dhaawaca ahaa ee isbitaalkaasi jiifay kuwaasi oo ku soo waxyeelloobay dagaallo labo jeer oo isku-xigay ka dhacay duleedka Buuhoodle, iyagoo kaddibna warbixinno ka dhagaystay maamulka isbitaalka iyo madaxda kale ee xagga caafimaadka.

Mas?uuliyiintaasi dawladdu kormeer kaddib waxay shir jaraa?id ku qabteen isbitaalka iyagoo halkaasi uga hadlay dareenkooda ku aaddan dhacdooyinkii isku dhadhawaa ee dadkaasi ku dhaawacmeen, dhaleeceeyeyna maamulka Soomaaliland oo ay tilmaameen in ay duulaan ku soo qaadeen deegaannada Puntland.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Cabdikhaliif Sh. Xasan ?Ajaayo? ayaa sheegay tallaabadii ciidamada Somaaliland ay ku soo weerareen Buuhoodle iyo deegaannada hoos yimaada in ay ahayd mid gurran, xad-gudubna ku ah daris-wanaagga iyo dawladnimada intaba.

Guddomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo ka mid ahaa madaxdii gobolka ee shirkaasi jaraa?id ka hadlay ayaa isna gardarro ku tilmaamay weerarii lagu soo qaaday dadka deegaanka Buuhoodle, waxaana uu intaasi ku daray in aysan maskaxda aadanaha ka wayn tahay, ayan xad-gudub tahay in lagu soo duulo dad nabad u deggan.

Madashaasi waxaa iyana ka hadalay issimo iyo indheergarad badan oo uu ka mid ahaa Garaad C/llaahi Garaad Soofe, oo ku dheeraaday midnimada ummadda reer Puntland iyo lagama maarmaanida in loo midoobo cadawkasta oo dadka iyo deegaanka damaaciya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: