Ciidamada Yemen oo xiray dad lagu tuhmay Al-Shabaab

Sana, Mar 12 – Ku dhowaad afar qof oo lagu tuhunsanyahay inay katirsanyihiin ururka Al-Shabaab ee saldhigiisu yahay Soomaaliya ayaa lagu xirxiray dalka Yemen kadib markii qaraxyo ay ka dhaceen gobolka Abyan.

Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa ku sheegtay barta ay ku leedahay internetka afarta qof ee la xiray oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya in laga qabtay gobolka Abyan.

Xariga dadkan lagu tuhunsayanyahay inay katirsanyihiin Al-Shbaaab ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya 300-oo ka mid ah maleeshiyda Al-Shabaab inay gaareen dalka Yemen si’ay ugu biiraan kooxda Ansar al-Sahriah ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacidda oo ay dowlada Yemen dagaalka ay kula jirto.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay qaraxa kadhacay gobolka Abyan inay ku geeriyoodeen dadkii fulinayay, islamar ahaantaana aysan jirin wax khasaare ah oo qaraxa kasoo gaaray ciidamada amaanka ee dalka Yemen.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com