Wasiiro ku ganacsayray Isku-shaandhayntii xukuumadda Soomaaliland.

Hargeysa, Aug 15 2016–Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran_cadde oo xalay madaxweyne Siilaanyo uu xilkii ka qaaday una magacaabay jago kale ayaa qaadacay arrinkaasi.

Cali Maxamed Waran-cadde, oo uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo safiirka maamulka Soomaaliland ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn qabashada xilkaasi.

Dhanka kalena waxaa xilkii loo dhiibay ka cudur daartay sida Wararku sheegayan Wasirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Xuseen Dayr. Kaasoo loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyadda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com