AKHRI-Magacyada saraakiisha Alshabab ee lagu diley duqaymihii Jubbada dhexe.

Kismaayo, Aug 15 2016–Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa dilay 30-dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabab waxaana kujira hogamiye sare laba howlgal oo kala duwan kana dhacay Koonfurta Soomaliya afartii maalmod ee ugu dambeesay.

Mid kamid ah saraakiisha dowladda ayaa u  sheegay wakaalada wararka Shinwa in howlgaladaasi ay dhaceen 10-ka bishaan August waxana lagu bartilmaamaysaday 13-dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo ku sugneed degmada Sakow.

Waxa uu sarkaalkaani oo diidey in magiciisa lasheego in ciidamada Mareykanka oo taageraya ciidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyeen saldhig ay lahaayen Al-shabab oo Sakow ku yaalay waxana uu sababay duqeyntaasi geerida 30-dagaalamayaal,howlgalka labaad ayaa dhacay 13-ka August waxana kamid ahaa dadkii dhintay hogaamiyaal sar sare.

Sarkaal dhinaca amaanka u hadlay ayaa sheegay in loo maleenayo howlgalka in lagu dilay lagu hogaamiyaha Xarakada Al-shabab Abu Cubeyda, sarkaalka ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay jiri karaan in howlgalka lagu dilay 3-ku xigeenadiisa waxana kamid ah afhayeenka Al-shabab Abu Muscab iyo qof magacisa lagu soo gaabiyay Abu Cumar.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com