Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hugaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya mudane, Xamsa siciid xamsa ayaa manta gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Wafdigaasi oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali,waxaa mudada ay joogaan Degmadaasi ay la kulmi doonaan madaxda Dowladda Galmudug.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa shalay gaarsiiyay Maamulka Jubbaland qalab loogu talogalay in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com