Wasiirka Qorsheynta oo Garowe Ka furay shirka Wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Qorsheynta oo Garowe Ka furay shirka Wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka (Sawiro)

Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Soomaaliya ayaa maanta ka daah-furay magaalada Garoowe ee wada-tashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo lagu wareejiyay qalab looga hortago COVID-19, xilliga doorashada
Hay’adaha ku shaqada leh Dib-U-Eegista Dastuurka iyo Bulshada Rayidka Puntland oo kulmay
Madaxwayne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Soomaaliya ayaa maanta ka daah-furay magaalada Garoowe ee wada-tashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeena Soomaaliya.

Furitaanka wada-tashigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka,Wasiiru dowlaha Qorsheynta Maamulka Puntland, Khubro iyo shaqaalaha Wasaaradaha dowladda dhexe iyo tan Puntland.

Ujeedada watashiga ayaa ah sidii loo yareyn lahaa Saboolnimada, geedi socodka Dayn cafiska Soomaaliya,taasoo la hor dhigayo hay”adaha iyo bulshada ku nool dowladd gobaleedkan Puntaland.

Wasirika Qorsheynta Puntland Cabdi khafaar Xaange ayaa soo dhaweeyay wada-tashiga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad ayna diyaar u yihiin sidii ay qeybtooda ugu biirin lahaayeen Qorsahaha horuamrinta qaranka oo muhiimad gaar u leh dalka.

“waxaan ku faraxsanahay in maanta halkan Wasiirka qorsheynta dowladda federaalka ka furo qorshaha horumarinta Qaranka,waxaan idinku soo dhaweynayaa waji wanaagsan, waxaana idinka filaa wax wayn oo Puntland iyo dalka oo dhan ahmiyad wayn u leh ayuu yiri Wasiirka”

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamo ka baxiyay ahmiyada wada-tashiga leeyahay,lana doonayo in aragtida dadka Soomaaliyeed la dhageysto, laguna cadeeyo qorshaha baahiyaha dadka iyo dadka in wax looga qabto.

“Qorshaha waa mid ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed lagana talo galinayo ilaa bilowgiisa oo aan hada u joogno, iyo inta laga daabacayo si loogu qeexo ahmiyadda mudnaanta u leh dalkeena, waxaa halkan jooga Khubrada Wasaaradda oo farsama ahaan u wadayo si dhamaan loola tashto dadka iyo hay’adaha dowladda, dhamantiina wasiir adiga iyo kooxda Wasaradda waxaan idin rajeyn lahaa guul iyo in dhamaanteena xoogga saarno horumurka dalka, dadkeena siyaasyiinta waan tagaynaa balse dadka mar walbo joogayo shaqada gacanta idnka weeye marka ka shaqeeyo howshan adage e baxaada leh ayuu yari Wasiir Jamaal”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: