Doorashadda Galmudug oo Rajo wanaagsan laga muujiyeey (Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis laga gaaro khilaaf ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Galmudug ee la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha oo shalay booqasho ku tegey magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in shalay illaa xalay uu la lahaa wadahadalo aan kala go’ lahayn madaxda sare ee Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com