Wasiirka Maaliyadda XFS oo  IMF kala hadlaya lacag cusub oo ay Soomaaliya yeelato (sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo IMF kala hadlaya lacag cusub oo ay Soomaaliya yeelato (sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka A

Waraysi: Caaqil Siciid Xasan Xaaji oo kamid ah Cuqaasha gobolka Haylaan
Guddoomiye Yariisow “Siyaasiyinta haday Maalin walba ordi lahayeen stress-ka hayo waa ka bi’i lahaa (Daawo)
Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Hindiya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u soo bandhigaya hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa Mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u soo bandhigaya hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa Mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hanaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Arrinta kale Dr Bayle kala hadlayo Madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadajiyo Qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo Sanadkan 2018-da.

Dr Bayle ayaa khubad ka jeediyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kagahadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka banaan.

“Soomaaliya hadda waxaa ka banaan fursado badan oo maalgashi kaas oo dhankasta ah runtii waxaa aan rabno ayaa ah in Maalgshi dhankasta ah lagu sameeyo Soomaaliya si-aanu u gaarno meel sare” sidaas waxaa yari Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya Dr Beyle

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay hannaan dhaqaale oo hufan,taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ee lagu leeyahay Soomaaliya laga fududeeyo in laga cafiyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: