Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Hindiya

Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya Muddane Mahdi Mohamed Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo iyo xubno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiiradda ayaa gaaray magaaladda New Delhi ee dalka Hindiya.

Ujeedadda Socdaalka wafdiga Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya ayaa ah ka qayb galka shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance, oo maalinta berri ah furmaya,Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynayaasha 121 dal oo ka mid ah dalalka caalamka.

Soomaaliya ayaa sanadkaan nasiib u heshay ka qaybgalka shirkaasi, Ra’iisulwasaare xigeenka ayaana khudbad ka jeedin doonaa Madasha shirka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo sii maray magaalaad Nairobi ee Dalka kenya ayaa halkaasi kula kulmay Danjiraha India ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Amb: Abyan Ladane iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hindiya ayaa wefdiga Ra’iisalwasaaraha ku soo dhoweeyay magaalada New Delhi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com